KU JECLOOW XAASKAGA 10KAAN ARIMOOD

KU JECLOOW XAASKAGA :

1- Jeclaaw goortii ay kugu dhiirigeliso inaad tukato. Waxay rabtaa inaad Jannada ku kulantaan.
2-Jeclaaw goortii ay ku weydiiso inaad caruurta la ciyaarto, Waxay rabtaa inaad Aabenimaada ay dareento.

3-Jeclaaw goortii ay maseyrsan tahay. Waxay Rabbtaa inaad dareento ragga dunida jooga oo idil inay adiga kaa dooratey.

4-Jeclaaw goortii ay ku weydiiso quruxdeeda siday tahay. Fikradaada ayaa muhiim u ah, u sheeg inay qurxoon tahay

.5-Jeclaaw goortii cunto karinteeda ay liidato. Aad bay u dadaashey, una sheeg inay gacan macaantahay.

6-jeclaaw goortii ay saacado ku qaadato inay is diyaariso. Waxay rabtaa inay kuu soo ban dhigto quruxdeeda oo idil.

7-Jeclaaw, goortii ay iska ilmayso sabab la’aan. haku qeylinin hana ku badinin su’aasha, ee u sheeg in wax kasta hagaagayaan.

8-Jeclaaw… Goortii ay kuu keento hadiyad xitaa hadaadan jeclaysan. u dhoolacadee, una sheeg inaad aad iyo aad uga heshey una mahadceli.

9-Jeclaaw goortii ay xanaaqdo, oo sabab la’aan waxay rabtaa iney dareento heerka ee ay gaarsiisantahey raggnimadaadu iyo dulqaadkaagu.

10. Ku jecloow si walba oo ay tahay waayo waa Noloshadaa guud iyo Gaar ahaaneedba.

Lama huraan waa Caws jilaaal.