HAWEENKU WAA NOLOSHEENA EE SIDAAN U SAMEY GAC

Ragga somaliyeed uma quudhan xaaskooda inay ugu yeedhaan weedho kalgac iyo muxubo xanbaarsan.
waxay u haystaan hadii gabadha la guursdo oo la mehersado inay iyagu leeyahiin ooy maamulaan siday doonana way ula dhaqmaan.

Qoysas badan oo dumay waxa baabi’yay is fahan la’aan ka dhex-dhalatay gabadha iyo ninkeeda, isfahan la’aantani intabadan waxa masuul ka ah ragga oo aan dumarkooda u debacsanayn una muujin kalgacal iyo soo dhawayn.

Dumarku waa sida cajalada riinkoodhka ee wax lagu duubo ee aan marnaba sii daynin,
hadii wanaag iyo muxubo badan aad galiso qalbigeeda Intabadan waxay kuu haynaysaa kalgacal iyo soo dhawayn.

Farxada lamaahana Nolosha wadaaga waa is fahan iyo in Nolosha loo qaybsado si debecsan.

Diinteena macaan waxay dhiiri galisay in Dumarka la xaananeeyo dumarkuna raggoda ixtiraaman oo ay wanaajiyaan, Dhadhanka nolosha …..

guurku maaha in awlaad la dhalo oo Sariirta la wadaago oo Kaliya,
laakiin waa isu debecsanan isa soo dhowayn,kalagacayl, is xushmayn, is ixtiraan,kala danbayn, kalsooni iyo muxubo, labada qof ku wada nooladan.

Gabadhu haday ninkeeda ka ilaaliso maqal xun, dhaqan xun iyo ur xun,
isla markaa ninkuna hadu ka ilaaliyo ooridiisa wixii niyadjab iyo qalbijab ku keenaaya lamaanaha, laamaha nolosha wadaaga nolasha kuma kalaxiisa gooyeen intay jiraan……

Aasaaska qoysku waa isla garasho iyo isfahan lamaanaha ku dhex abuurma.

W/Q zayed Mohamed Darwiishka….

……Alla…..Mahadleh…..