Hal ka Ogow Geesinamadii Abwaan Cali Sugule

Abwaan Ali Sugule Cigaal ” Dun-carbeed” Alle ha u naxariisto waxa uu ahaa dayax ka dhacay ummadda Soomaaliyeed. Waxa uu ahaa halyeey aragti dheer oo mar walba u taagan danta geedi-socodka ummadiisa. Waxa uu ahaa samo-wade, abwaan, mu-allif murti iyo midho toolmoon muhiibsiiya ummaddiisa, una soo bandhiga hadba wacyiga iyo wakhtiga ku soo fool leh. Waxa uu ahaa dhaqan-yaqaan ku dhaata hiddaha iyo hawraar soomaaliyeed.
Abwaan Cali Sugulle (AHN) waxa uu ahaa halgamaa in badan ka dhiidhiiyay Gumaysigii Ingiriiska iyo tacaddiyadiu dawladihii ka danbeeyay. Waxaanu in badan halgankii uu waday uu kala kulmay hagardaamo iyo hantaaqo aan yarayn taas oo uu muddooyin kala duwanna uu noloshiisa uu ku qaatay afarta darbi ee xabsiyada ku yaalla gudaha Soomaaliya . Erey bixinta iyo naxwaha Af-Soomaaliga iyo falkinta suugaanta marka la hadlaayo waxa uu ahaa ragga loo dabo fadhiisto, maaye waxaa ba uu ahaa Boqorka Suugaanta Soomaaliyeed. Abwaan Cali Sugulle (AHN) waxa uu caan ku ahaa in aanu ka marmeerin sheegista xaqiiqda iyo la dagaalanka dulmiga jira.

 


Haddaba bal aan wax yar aan ka kor-xaadsho mid ka mid ah dhacdooyinkii ugu geesinimada badnaa ee uu kaga hor yimid dulmigii Siyaad Barre taas oo ahayd Geeridii Muuse Xaaji Ismaaciil Galaal (AHN). Muuse Xaaji Ismaaciil Galaal waxa ahaa Abwaan, Taariikhyahan, Qoraa ku xeeldheer dhaqanka soomaalida oo Buugaag badan ka qoray arrimahaas iyo Aqoonyahan cilmi baadhe ah oo ka tirsanaa Jaamicadda Oxford. Waxa kale oo uu Muuse Galaal ahaa Guddoomiyihii Guddidii Afsoomaaliga dejiyey 1972-kii. Waxaanuu farta latiinka ku qoray Buugaag Suugaan iyo Sheekooyin ah 1954-kii iyada oo aan la isla qaadan ba wakhtigaa Fartan Laatiinka ee imika Afsoomaaliga lagu qoro.
Haddaba cajalad muuqaal ah oo intii uu noolaa Abwaan Cali Sugulle (AHN) laga duubay ayaa waxa uu kaga sheekaynayaa sidii ay maalintaas wax u dhaceen, waxa aanu yidhi:
“Horta ninka la yidhaahdo Siyaad, maalin ba maalinta ka danbaysa wuu sii debcaayey, haddii sida anigu aan u aqaannay la yidhaahdo waar hubka dadkaa lehe inoo dhig, cidi ba ma dagaallanteen oo waa layska wada joogi lahaa, illeen ninku wuu ina didsaday uune. Ninka la yidhaahdo Muuse Galaal, Maanta ilaa iyo maalintii aan anigu arddayga ahaa marka la yidhaahdo BT ha la ciyaarsiiyo, cayaar Soomaali cayaara ayuu na odhan jiray. ‘Waar Hirwo miyaad taqaanniin?, Bariyo miyaad taqaanniin?, Saylici miyaad taqaanniin…’, halkii wax kale aan samayn lahayn ayuu odhan jiray waar teenna barta. Waxa kale oo uu lahaa fikirkii ahaa in Afsoomaaliga lagu qoro Farta Laatiinka, waxa dalka yimi niman ay ka mid ahaayeen B.W.Andrwizky iyo Luwis, waxa la soo saaray wareegto odhanaysa nin kasta oo Ingiriis ah oo dalka joogaa Afsoomaaliga ha barto, waxa watay qolada wax barashada (Education Department) Wallaahay sidii uu Muuse Galaal arrintaa uga hawl galay ee nimankaa Afkeenna u baray, carruurtiisa umuu barin.

Intaa uu dalka iyo dibadaha ba u baxayey wuxuu ururin jiray Dhaqankeenna, Suugaanteenna iyo Afsoomaaligeenna oo uu dunida ku faafin jiray.

Waxa dhacday In Muuse Galaal uu joonis ku dhacay, Lix Bilood ayaa la raadinayey (warqad oggolaansho dibad u bax ah). Waa nin buka oo il daran oo ummadda wax taray. Markaa gabadh ayaa madax looga dhigay raggii rag ahaa oo dhan, waa Yuusuf X. Aadan, Af Qallooc, Ina Shire, Gini Diir Qadhaadh iyo Guddidii Afsoomaaliga oo dhan. Gabadhii gabadh wanaagsan ayay noqotay, Deeqa Colujoog ayaa la yidhaahdaa, Deeqa ayaannu ku nidhi odayga badbaadi. Macal Hadraawi ayaa maraya, dee xagga sarena (Madaxtooyada) waxa la doonayaa ba in naftu ka baxdo, oo nin wax kala garanaya oo hadli og ama aqoon leh ama taariikh sheegaya ama wax kala garanaya ba Siyaad Barre muu oggolayn. Wuxuu lahaa ha ku dhaafo. Halkii bay warqaddii u soo qaadday, waa la qaaday Jidda markay diyaaraddii maraysay ayuu Muuse dhintay.

Habeenkii la soo qaaday ayaannu nidhi waar Hadraawow maxaynu ka yeelnnaa, waxaannu isku afgarannay aroorta aan Madaarka tagnno oo Hargaysa ama Burco ha lagu aaso illeen kuwii dilay ku ag aasi maynnee, tiina waa la ogaadoo halkii bay dawladdii isi soo abaabushay oo calankii la saaray oo dadkii oo dhani isu soo baxay, oo la yidhi aas qaran. Xabaashii ayaa la isugu wada yimi, adkuna mar ba marka ka dambaysa wuu soo dhiirranayey, waana la baqayay.

Odaygii (Siyaad Barre) ayuun baa yidhi waan ka khudbadaynayaa yada oo xabaashii la dul taagan yahay. Ilaahay uun baa wuxuu iga yeedhsiiyey ukaadi Madaxweyne Muuse Galaal maad aqoonne ninkaad taqaannaa laga khudbadeeyaaye kan anaa aqaannoo ka khudbadaynayee!

Bahalkan Halabuurka la yidhaahdana ninna waa nin maalmo doondoona ninna wuxuu jecelyahay uun in marka uu qabto uu tiriyo. Ciil ayuun baa i qabtay, dabeed kuwii Koofiyad Casta ahaa ayaan ku idhi waar naga baydha, intaan Madaxweynihii oo yaabban is ag taagay ayaan bilaabay Gabaygan”–
1. Geeridu xaq weeyoo horaa, loo garwaaqsaday

2. Gayigii ilaahay hadduu mawdku, kugu gaaday

3. Waa goobtu nabigii ku dilay, uu gunaanaday

4. Galled eebbe maydkaagi wuu, soo gadaal-celiyey

5. Guriga hooyo aaskaagu waa, galabsigaagii

6. Waa gaar ahaan iyo xusuus, muuno goonniya

7. Waana guud ahaan iyo xusaan, abid gaboobayn

8. Giddigeed adduunyada wixii, geesi lagu faanay

9. Gocasho iyo magac baa ka hadha, gobi u aydaa

10. Waad gudatay Muusow xilkii, kula gudboonaa

11. Guushii ifkiyo aakhiro ba, lagu guddoonsii

12. Goldalooladeennii kuwii, kula gufeyn waayey

3. Ee nolosha kugu gabay ayaa, taagan goonyaha

14. Markaad guurtay bay leeyihiin, ina galaalow

15. Haddii geel ilmihii korsado, gobina meecaaddo

16. Gabadhii ku maahmaahday waa, gaari la hubaa

17. Mar haddaanad geerida horteed, geesiga aqoonsan

18. Gobllan weeye soomaaliyeey, garashadaadiiye.

19. Gurmadkii Qarshi iyo Yuusuf baa, goob xun yuurara

20. Gafuurkiyo Hadraawoo gadhkiyo, guudku ba caddaaday

21. Wixii gubay ayay gaaday oo, way gaggabiyeen

22. Waa taa ay gayaxa maranyihiin, Gaarriyiyo Qays

23. Iyagaa gambada hooyadiyo, guul wadaw hadhay

24. Godka lagu janneeyow ilaahay, ku gudubsii

25. Gafi maysid weyddiimahee, inad ku geeraari

26. Ood gali naciimoo jidkana, gabay ku sii dhaafi

27. Jawaabii ku garansii allihii, guurti kaa dhigay

28. Galalkii fardowsiyo adoo, gacamadii jooga

29. Galabta ba haddaad Timacaddiyo, Maxamed gaadhayso

30. Gahayr iyo haddaad Cumar Xuseen, godol u sheekayso

31. Waad goobi doontaa raggii, guba ku haasaaway

32. Gacan qaad Salaan baa u mudan, gabi ahaantoode

33. Gurracnaanta Cali Dhuux markuu, gabayga luuqeeyey

34. Gurgurkeeda maansada Qamaan, gibil ku soo xeer

35. Gurmada Faarax Nuurkii lahaa, Goonni iyo Raage

36. Guurtida …… way furrayd, waa se kala gaare

37. Godob li’ida Cige Aw Calaa, geesi ku ahaa.

38. Gabayaaga Boqorkoodi baad, goonni ku ahaan

39. Giddigood ba Cali Jaamac baw, garasho weynaa

40. Garddarrada ayuu sheegi jiray, gacan ku dhiiglaha

41. Gantaalkuu wadaadkii la helay, garab ku taaglleeyey

42. Gam buu inaga siin laa haddaanuu, inaga soo gaadhin

43. Waa layna gadi laa sidii, xoolo gaadacay

44. Gammaankiyo lo’da iyo ninkii, geelasha ba qaaday

45. Waagii guduuta ba dagaalkii, uu galaa bixiyey

46. Galalkii jannada eebbeheen, gubashadii naarta

47. Gar tinow dhexeeyaa la yidhi, labada gooboode

48. Geesteebuu Darwiishkii jiraa baad, gacalle weyddiin

49. Ma gabbade jawaab diirran buu, geesi ku ahaa

50. Isna goobti wuxu odhanayaan, guudka ka hayaa

51. Gawraca naflaha eed la’aan, beenta fule guulka

52. Ganaax iyo xujiyo Ina Carray, gocasho haysaa

53. Golihii muuminiintiyo annagu, awyaliyada gaadhay

54. Girgirkaannu haynnaa jannada, gadawyadeedii

55. Lama se gaadhin weli maalintii, kala geddoonkii

56. Garyaqaanku waa eebbeheen, oo guddoonshe ah

57. Qof waliba halkuu gali lahaa, ama la gaynaayo

58. Goortii la uumaa la qoray, gogol dhiggiisii

59. Gadaal noqoshadii eebbeheen, nala gudboonaatay

60. Inta uu na garansiiyey een, guulle ku cawaynnay

61. Gunnadiyo hormariskii jannada, nala guddoonsii.
Alle ha u naxariisto Abwaan Cali Sugulle marnaba ma hilmaami doonto taariikhdu waana dayax aan golsho lahayn. Waxa aan mahad leh ka dib aan u mahadcelinayaa Qoraa Maxamed Baashe X. Xasan oo ku hawlan soo saarista buug ka hadlaya noloshii iyo suugaantii uu abwaanku lahaa.
Allaa Mahad leh
Tixraac: