Daawo Sawirada: Caro ka dhalatay Rakaab si xoog looga dajiyay diyaarad uu saarnaa


Mark readRead later1.  Ciidamada Amisom oo maanta garoonka diyaaradaha ku bahdilay Wasiirada Gargaara & Fariin ay soo dhigtay…
Bulsha:- Ciidamada AMISOM ee ilaalada ka ah garoonka diyaaradaha Caalamiga ah ee Aadan Adde International Aiport ayaa tallaabo sumcad darro ah ku sameeyey wasiirka Gargaarka dowladda Soomaaliya Maryam Qaasim.

Ciidamada AMISOM ayaa Madina Gate u diiday inay galaan wasiir Maryan iyo wafdi ay hoggaamineysay oo shir ku lahaa gudaha Garoonka Aadan Cadde, waxayna la ballansanayeen Madaxda Midowga Yurub ee Soomaaliya.

Ciidamada AMISOM ayaa ku dooday inaan lasoo ogeysiin imaanshaha wasiirka, sidaas darteedna aysan macquul aheyn inay gasho garoonka.

Arrintaan ayaa noqoneyso mid sharaf dhac ku ah wasiir Maryam oo lagu tilmaamay inay tahay mid kamid ah wasiirada ugu daacadsan Xukuumadda Xasan Cali Kheyre, iyadoo waxqabadkeeda la arkay xilligii xukuumaddii Tayo.

Maryan Qaasim oo farriin kulul soo dhigtay barta ay ku leedahay meelaha ay bulshada ku sheekeysato ayaa arrintaas ku tilmaamatay inay tahay wax aan la aqbali karin, waxayna ku sheegtay falkaas inaysan AMISOM u heli doonin wax cudur daar ah.

Haddaba halkaan hoose ka aqriso hadalka Wasiirada oo ay kusoo qortay afka Ingiriiska:

“We are working under difficult circumstances in Somalia but there is no excuse 4behaviour I saw today from condescending behaviour from AmisomSoldiers towards me &  my female staff today at MIA Medina Gate is unacceptable” Maryan Qasim

Waxay sheegtay inay ku shaqeenayaan xaalad adag oo ka jirto Soomaaliya, balse aan wax cudur daar ah loo heli doonin falkii ay iyada iyo gabar la socotay kula dhaqaaqeen ciidamada AMISOM oo uu diiday inay galaan Al-baabka loo yaqaan MIA Madino oo ka tirsan garoonka Diyaaaradaha Muqdisho.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:

Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Thu, April 13th, 2017 6:30 AM
Brothers Group
Mark readRead later2.  Qiso Xanuun ah : Siduu naag kale ugu fikiraa ama uu u damci karaa anigu miyaan ku filnaan wayeey!!
Bulsha:- ¤Waxan aad iyo aad uga xishooda hadaana aad ula yaabay marwoyiin badan wax yaabahay ku dhaqmayaan markay arkan in Alle kor ahaye siyey sayi u wanaagsan dabci wanaag iyo akhlaaq diin Alle ku manaaysteey aay xad kooga dhafaan gurigi iyo caruurta korintoda iyaagu masuuliyadoda iyo xil keegaba iyaadu saran tahay ayeey miskiinki kaga caraarta ooy ka maqnada weegaag & bil.

Waxa dhici karta inaay isku dayeeyso dhibato yar oo dheexdoda yilaay siidi ay uga aar go’saan laaheyd islamarkaasi cadaab uga dhigto gurigi iyo caruurti inay kaga baaxsado iskana maqnaado intaay doonto ama aay u sheeko taagto eheelka ama naago kale oo maagaloyin kale degeen gurigi iyo caruurtina isaga kaga taagto isagoo aan marna sharaftisa u aheyn guri daaqid iyo caruur haayn.

Ninku waa boqorkaa guriga wa maamuulihi qoyska amarkisa la’aantiina wax soconaynin isaga waxa loo xiil sarey masruuf kooga iyo inu xaaladooda kolba xagay socodo ka war hayo ceeb ma aha inu sacido qoyskisa maraarna galo jikada ama xaaqo dhulka marwadisa markey jiran tahayna waajib tahay inu sacido kana cawiyo guriga caruurta iyo cafimaadkeega ilaa inta ka cafimadayso wax laaga xishoodana ma aha oo Nabigeeni suubana scw aya sacidi jirey qoysaaskisa.

¤Waxa sabaaba inu ninku marwadisa la guursado isago u wanaagsan sifahan kor kuso sheegney iyo kaar kaalo badan iyo hadu ku aamro inaay bixin ka dhaago adeegta oo iska baxda idin la’aantisa xiligey doontana guriga timaada,waxa dhici karta inu raadsado guri u ku naasdo iyo marwo salixaad amarkisa ka danbeysa oo aan didiin u dhago nugul.

Marku sayigeedu heelo minyar u wanaagsan iyo guri u ku naasto ayeey miinweynti indhaho taag taag iyo su’aalo faro badan is waydisa maseer kii marwoyiinka maatanaha laa ahana so food sara oo buuk iyo qaylo kubilow daa sayigeedi u wanaagsana si fuduudnaa gacmaheegi uga baaxa minyartina ku guuleeysada in gacantedi si buuxda usoo gaalo.Marwo idaan la’aanta ninkega baxdana ma oga in mala’igtu naclado ilaa inta guriga kaso labaan.

Marwo: Sidu naag kale ugu fikiraa anigu miiyan ku filnaan wayeey!!

¤Maa is waydisaay marka hore waxaa laagula guursaday,Dabcaan jawaabteedu waxay u fuduudahay mawarda caqli badan!!Adigo kaali lagu qabay oo naagna kula wadaagi jirin sayigaada in maanta naag kale daris kula noqoday subax waalba agtaada laga soo kici jirayna yaaraday madaama minyar dariis kula noqoday misee waxad baraarugda goor ay xeedho iyo faan-dhaal kaala dhaceen!

¤Hadaba marwo yaahay intaanu gacantada ka biixin sayigada dhaqo noqo marwo salixaad akhlaaq iyo dabci wanaag odhaan ku siifowda noqo mid sayigeeda qalbigisa khasbata kuna beerada qalbigisa jeceyl iyo kalgaceyl ka dhig sayigaada boqorka guriga amaarkisa laga daanbeeyo dulqaad iyo dabaacsanaan u muuji Romatic ka noqo dhaan walba ilaali sankisa indhihisa intaanu kuso rawixin caruurtisa iyo adiguba u laabista idinko ugdoon iyo gurigo nadiif ah udgoona ah.

Marku albaabka kaso gaalo ku salaan salaanta islaamka sharab qabow usi diyaari marku so gaalo afka u gali amaan iyo dholo cadayn kuso dhawey bar caruurtisa inay abahood salaanta islaamka ku salamaan u sheeg in abahood uso shaqeyey oo u dalaan yahay kana ilaaliyaan qaylada iyo buuka usi diyaari qaado aad si heer sare u samaysay maalin walba noc u kaari.

Marwo: Sideen qalbigisa ugu beeran kara inuu aniga un iga fikiri!!

Su’aashani waay fududahay marwadi laa waafajiyo khayrka iyo wanaag kula dhaqanka sayigeeda,waxa ugu horeysa inaad noqodo qof Alle kor ahaaye ku dhawaada xusid iyo cibaado badan garatana sayigeeda xaquuqdu ku leeyahay tahayna xaquuqdisu mid adaag oo aan sahlanayn imtaxaan adaagna ah haday iska guutadana aduun iyo akhiro liibanayso janada albaabkey doontana ka galayso haday amarkisa adeecdo waxi shareecada diinta islaamka ka hor imanaya un xaq u letahay inaay kaa diido.

¤Marwo yahay sayigaadu waxu jecel yahay inaad habeen walba diyar u ahaado.

¤Maa jecla raggu marwadisa oo muran ka dhalisa xaqkisana ka duudsiisa waxana dhici karta inu ku fikiro naag kale.

¤Wuxu jecel yahay marwadisa oo iiskeeda ku garada wuxu sayigeedu ka heela bahiidisana indhahis aka akhrisan karta oo fahmaysa.

¤waxay jecel yihin raggu marwadiisa aan diiday odhaan marku gogoshiisa ugu yeedho iyado xushmad ka muqado iyo dhola caadayn amarkisana fuulineysa una degdegda xaata ale haka yeele adigo muufo u tubaaya ama hawlo kale odhan jecleysan inaad ka tagto haya u degdeg amarkisa fuuli yaanu ka arkin calaan caal iyo wan daalanay iyo karahiyo taasi qalbigisay dawaacaysaye ka ilaali.

¤Gabadh aya u timid nabiga salaalahu calayhi wasalaam,waxay u sheegtey inaay guursan rabto waxay waydisay xaqu ku leyahay sayigeeda Rasulki salaalahu calayhi wasalaam wuxu ku yiri.Waxa ka mid ah hadu doono inu u gaalmoodo iyado rati dushiisa saran aanay ka diidi karin.

Hadaba marwo yaahay noqo mid sayigeedu marku arko ku farxa marku baxayana isago wajigisa rayn reyn iyo farxad degeenaasho ka muqado ku baxa,marku so noqdana isago xiiso weyn iyo farxad ku haya kuso laabta,marku ka baxaana nusasac ka dhib u dir sms text u sheeg inaad u xiisday guriga isaga la’aantis u muugdi yahaay,marku shaqada kaso laabto ka ilaali qaylada caruurta sharab qabow sii intu nasanayo hala hadlin u qaadi qadadisa u diyaari sabuntisa iyo duwaalkisa u diyaari gogoshiisa unsi iyo parfume udgoon ku shuub aan dhib u keniin sankisa udgoonkisana la raaco.

Marwo: Waaxa hubaalti ah inuu naag kale ku haamiyin qalbigisuna kuso dhicin.

¤Noqo hooyo wanaagsan oo caruurteda ku filaan habeena ka dhixin meelna uga taagin culeysna sayigeeda saarin.

¤Noqo marwo salixaad xusidda iyo cibaado badan  Alle’naa  ku dhawaada cilmiga baraata caruurtaana barta.

¤Noqo marwo ku dadaasha raali galiinta sayigeeda qalbigisa iyo indhiisa ka akhrisan karta bahiidisana fahmeysa.

¤Noqo marwo marku sayigeedu murugodo is garaab taagta shar iyo khayrna la wadaagta.

¤Noqo marwo marku sayigeeda faqri noqdo ku dadaasha sidii ay uga sari laheyd farqinimada tajirna uga dhigi laheyd.Sadaaqo aad la baxdoo iyo sadaaqo sayigaada siisoo waxa ajir badan kaan aad  sayigaada siisay  sida nabiga salaalahu calaayhi wasalaan yiri.

¤Noqo marwo leh sifaahi khartidi iyo dumarnimadi lagu yaqaanay hooyoyinki hore.

¤Noqo marwo caqli badan oogsoon sayigeeda iyo iyaadu isku naf kaaliya yihin nafteeda iyo maal keegana u hurdho.

¤Noqo marwo ninkeega adeecda kuna casiyin,sayigaada  ood ku caasida waxay so dedeejisa burbur iyo in minyar lagula guursado.

¤Noqo marwo iyo hooyo wanaagsan oo gurigeeda iyo tarbiyada caruurteda masuuliyaad adaag iska sarta.

¤Haa noqon marwo gurigeeda loo sheeko imaado oo naago badan sayigaaduna meel u ku naasdo waaya,isaago daalan sabaabnaa u noqdoo inu guriga saxiibki ama walidkis u nasaasho taago.

¤Noqo marwo iska ilaalisa naagaha telfoonka badaan ee subax iyo habeen iska so dhacaya.

¤Noqo marwo marki masibo iyo qadar Alle laso gudboonado shugriga iyo Alle ka cabsida badiisa samir kaana badiisa qadarta rabbana ka raali noqoda.

¤Haa noqon marwo qayano iyo been u kala kulmo,noqo marwo dacaad u ah sayigeeda.

¤Noqo marwo gurigega dheexdiisa si heer sare sayigeeda ugu laabisada maalinba labiis qurxoon maaliba labiis cusub oo qurxoon u xiidho ilaali indhihisa sankisa raggu waxay jecel yihin marwadisa isku qurxisa banaanka markey adaysana caadi iska dhigta oo sifican isku asturta iyado racaysa amarka Alle swt kor aahaaye iyo rasuulkisa salaalahu calayhi wasalam,marwoyin waxad arkeysa ku dhahayo maxad ku falaysa duruc iyo waxa lo xidha aroosyada diricu noocu doonnaba haa ahaade way kula yabaaysa inaad u xiidhado sayigaada guriga dhexdisaana kunaa laabisado waxa ka dhadhaacsan marwoyinka karkood in aroosyada iyo banaanka siday jeceshay u laabisaadaa waana firkaad aad u qaldan diintana khilaafsan gabadhta muslimada marwo ha ahaadee ama gabadh guursan markay banaan ka adaayso wa inay dhar adaag oo jidhkeega asrutayo xidhaadho haday cadarka lagaamaa marmaan noqodo ay kilkilaha ku shubado deo-deroon aan uur dhereyn dadkana  urineynin tasa u khayr badan aduun iyo akhiro,gurigeeda sidaay doonto ha ugu laabiisaato Make’Up ugu horeya ayey marsan karta kana cajisin isku nadifiinta iyo isku qurxiinta sayigeeda taasi waxaay ku abuureysa xiiso badan iyo jeceyl inu ku qaado waana guul aad gaadhay qayr kaana dhaftay.

Marwo waalba  ha ogaado in sayigeeda xaquuqdeda gutaan karin marwo gutaan kartana aysan jirin waxa see laaga raba marwo kasta inay dadaal xoogan u gasho geed dheer iyo mid gabaan u korto siday qalbigisa ugu dhex noolan laheyd cimrigeega indha uga dhimaana iyaada la qaadan laaha taasina wa guul kuso hooyday marwo waalba iyo khartideeda weeye marka











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:

Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Thu, April 13th, 2017 5:30 AM
Brothers Group
Mark readRead later3.  Ma Tahay Qof Shaki Badan Hadaba Baro Dhibaatooyinka Laga Dhaxlo Shakiga Badan..!!!
Bulsha:- Cudurka ugu xun oo dawada ay u waayeen culimadda ku takhasusay cilmi nafsiga waa shakiga. Culimadan waxa ay isku raaceen cudurkan, cidda uu ku dhaco inta badan inay dhibaateeyaan dadka kale shaki dartii.

Sidoo kale, waxay sheegeen dawada cudurkan inay gacanta ugu jirto qofka oo dib u eega waxa haya iyo inuu aanu ku fududaan wax kasta looga sheekeeyo.

Waxay dardaaran ku bixiyeen, in aan xil weyn loo dhiibin sida Madaxweyne inuu noqdo ama Qaadi qofka shakiga badan waayo, ayay yidhaahdeen, arrimo looga sheekeeyay ayaa u horseeda xad gudub inay la yimaadaan ama dad ku nacaan.

Qofka shakiga badan wuxuu la imaadaa dhibaatooyin faro badan haba u badnaadeen dhibaatooyin uu u geysto dadyoowga u dhaw.

Shakiga waa sheeyga keliya ee sida xoogan ukala dhambalo jaceylka ka dhaxeeyo lamaanaha, taasi waxaa kasii dhib badan qofka shakiga badan mar haduu shaki awgiis lamaanihiisa u dhibaateeyo una eryo ma heli cafin kaga imaato lamaanihiisa waayo shakiga qofka lagu dhibaateeyo wuxuu ku reebaa raadad xanuun badan…

Hadaba akhristaha Allsiyaasad.com ma tahay qof shaki badan ama dhib loogu geeystay shaki laga shakiyay awgii……..











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:

Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Thu, April 13th, 2017 4:30 AM
Brothers Group
Mark readRead later4.   Tobankaan Faa’ido ayaa La Xaqiijiyay In Laga Dhaxlo Ama Laga Hello Guurka Xalaasha Ah..
Bulsha:- In badan oo kamida dadkeena ayaan aaminsanayn faa’iidooyinka guurka ama guurka laftarkiisaba iyaga oo adeegsanaya aragtiyahooda gaaban. Laakiin marka aad u badheedho inaad faa’idooyinka guurka wax ka barato waxa markaba badalmaysa aragtidii xumayd ee aad ka haysatay guurka. Waxa aan halkan ku soo bandhigi n doonaa 10 faaiido oo guurka laga dhaxlo.

10. Faa’iidooyin Maaliyadeed.

Marka qof walbaaba xaas yeesho waxa uu ku fikiraa sidii uu u tabci lahaa una soo xerayn lahaa kharashka gurigiisa, isaga oo Alle (SWT) ku garab gala ujeedadiisaas waxana markaba uu dhimaa kharashka ku baxaya bilaabaana in uu lacag xafido oo meel ku urursado isaga oo ka tabaabushaysanaya dhibaatooyinka dabiiciga ah ee dhici kara mustaqbalka. Halka qofka aan guursan ay caadi la tahay inaanu shaqaysan oo uu guriga waalidkii isaga noolaado ama guri loo soo tabco oo saaxiibkii leeyahay.

9.Nolol Wadaag

In Qofku doob ahaado ma aha nolol dhamaystiran, Waxa muhiim ah in qofku helo qof daryeela kana fikira, waxa hubaal ah in aanu jirin qof haba yaraatee aan haysan cid ka fikirta laakiin qofka xaaska ah ayaa waxa uu haystaa qof la qaybsanaya xaaladaha murugo iyo farxada labadaba, Iyada oo culimada ku xeel dheer cilmi nafsigu sheegaan in qofka doobka ku waynaadaa uu ka waali dhow yahay qofka isagu qoys iyo xaasleh.

8.Aqbalaada Diinta Iyo Bulshada.

Hadii aad rabto in adiga iyo qofka jacaylku idinka dhexeeyo bulshadu idin wada qaabisho waa inaad is guursataan adiga oo ku heli doona magac iyo sumcad iyo iyada oo laguula dhaqmo sidii qof ixtiraam badan. Halka diintuna aanay kula simayn qofka aan isagu lahayn qof nolosha la qaybsada.

7.Ka Hortaga Cudurada Galmada Lagu Kala Qaado

Guurku waa habka kaliya ee lagaga hortagi karo in qofku ku dhaco sino iyo cudur. HIV AIDS waa cudurka ugu xun ee ku dhaca qof bani aadam ah isaga oo ilaa hada aan lahayn wax dawo ah oo lagu daweeyo cudurkan kaas oo laga qaado galmada aan xalaasha ahayn waxaanu sababaa takoor iyo faquuq lagala kulmo bulshada.

6. Caafimaad

Waa dhab in qofka xaaska lihi ka caafimaad badan yahay qofka isagu aan wali guursan ama doobka ah. Maskaxda ayaa ah meesha ugu muhiimsan jidhka bani aadamka waana meesha go’aamisa wax walba oo jidhku dareemo, Qofka aan guursan ayaa waxa la sheegaa in inta badan uu la kulmo xanuuno dhinaca maskaxda ah oo aanu inta badan dareemin ama haleelinba qofka xaaska leh.

5. Taran Iyo Caruur

Dad badan oo waxa jira hantiilayaal ah isla markaana mar walba ku cawda in hadii ay helaan taran ay gebi ahaaanba lacagta iyo hantida ay haystaan bixin lahaayeen. Ubadka ayaa ah ubaxa nolosha waana waxa keliya ee waalid walba oo dunida guudkeeda ku nooli ku hamiyo indhuhuna ku doogsadaan, waa midhaha aad beeranayso ee marka aad da’ noqoto ee tamartaadu isgabto cuni doontid.

4.Qurux

Waxa inta badan lagu yaqaanaa ninka doobka ah in uu ka xarago yar yahay ninka isagu leh xaaska oo isaga mar walba la arko inuu xidhan yahay dhar laga soo shaqeeyey mar walbana laga fikirayo xaragadiisa inta uu dheer yahay ninka doobka ahina ay tahay halka ninka doobka ah uu isagu go’aansado quruxdiisa ka waran qofka isaguna sidaa silamida go’aansada quruxdiisa isla markaana ay saa’id ku tahay maskax kale waynu garan karnaa 2 inaanay 1 lamid ahayn.
3.Go’aan

Marka aad guursanayso waxa aad jacaylkaaga u cadaynaysaa in aad la wadaagi doontid nolosha qaadaysidna masuuliyada qofkaas inta ay nolosha ku wada dhaqan yihiin. Guurka ayaa ah go’aanka ugu sareeya ee aad qaadanayso noloshaada.

2.Farxad Badan

Guurka ayaa sida iska cad waxa laga helaa farxad joogto ah, iyada oo aynu wada ognahay in qof walba oo dareema diiqad uu ku cararo gurigiisa iyada oo sababtu tahay waxa uu garanayaa sirta farxadiisa una tagayaa xaaskiisa si uu noloshiisa ugu soo dabaalo farxad.

1.Jacayl Dhab Ah.

Ma jiro cadayn ka wayn jacaylka dhabta ah oo aan guurka ahayn.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:

Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Thu, April 13th, 2017 3:30 AM
Brothers Group
Mark readRead later5.  Daawo Sawirada: Caro ka dhalatay Rakaab si xoog looga dajiyay diyaarad uu saarnaa
Bulsha:- Waxaa soo baxay muuqaal muujinaya nin si xoog ah looga soo dejinayo diyaarad ay leedahay shirkadda United airline . Waxaana ka dhashay caro ballaaran muuqaalkani oo si weyn ugu baahay baraha bulshada.

Waxaa laga duubay gudaha diyaarada wuxuuna muujinayaa ninkan oo kursigiisa laga soo jiiday iyadoo markaasi ay rakaabka diyaarada isu diyaarinayeen inay duullaan.

Diyaarada ayaa ka kacaysay magaalada Chicago waxayna ku socotay Louisville ee dalka Mareykanka habeenimadii Axadda ahayd.

Muuqaalkan oo socnaya 50 il-biriqsi ayaa waxaa barta twitter-ka lagu sii wadaagay 16,000 oo jeer laga soo bilaabo maalinkii la baahiyay.

Jayse D Anspach oo daabacay muuqaalkan ayaa yiri ‘ Shirikada United Airline ayaa rakaab dheeri ah tikidho u gooysay, ka dibna waxay damceen inay dajiyaan afar qof oo ay rabeen inay ku badalaan shaqaalaha diyaaradda ‘

Jayse hadalka ayuu sii watay oo wuxuu yiri ‘ Rakaabku way diideen inay dagaan, ka dibna shaqaalaha diyaarada ayaa doortay nin muuqaal ahaan ka soo jeedo Aaasiya ah iyo xaaskiisa in si qasab ah lagu dajiyo’.

”Dhaqtarka ayaa sheegay inuu shaqo isbitaalka ah uu ka daahayo, wuuna diiday inuu dego” intaas ayuu raaciyay ninkan rakaabka ah ee warkan qoray.

Tobon daqiiqo ka dib dhaqtarkii oo dhiig ka da’ayo ayaa dib ugu laabtay diyaaradii.

Ninka wali lama shaacinin aqoonsigiisa balse rakaabka kale ayuu u sheegay inuu yahay dhakhtar
Madaxa shirkadda diyaaradaha United Airlines, ayaa sheegay in shaqalaaha diyaaradda ay si waafaqsan xeerarka shirkadda u dhaqmeen.

Warqad uu u diray shaqaalihiisa ayuu Oscar Munoz waxa uu ku sheegay inuu ka xunyahay sida ay wax u dhaceen.

Waxa uu ku eedeeyay dakhtarka inuu abuuray qas iyo jahwareer.

Mid ka mid ah seddax askeri oo ku lug lahaa dhacdadani ayaa shaqada si ku meel gaar ah looga joojiyay, sida ay sheegtay waaxda duulimaadka Chicago.



Waaxada waxa ay sheegtay inay baaritaan ku sameyn doonto dhacdadani, oo ay sheegtay ”inaysan waafaqsanyn xeerarka ay ku howlgasho waaxda”.