Wanka iyo Waraabihii Careys Ciise Kaarshe

Ummad waliba suugaanteedu waa inay hummaag toosan ka bixisaa kolba sida ummadaasi u nooshahay iyo wakhtiga ay ku jirto intaba. Haddaynu soo qaadano hal maanso oo kamida maansooyinkii Careys Ciise Kaarshe (AUN), waxaa hubaal ah inaanu ka bogan karno taariikh lama iloobaan ah oo ummada Soomaaliyeedi soo martay—taariikhda ayaana mustaqbalka laga dhawrtaa.

Maansadan ayaa ah saarkii “weydiin iyo warcelin”-ta ahaa ee Wanka iyo Waraabaha u dhaxeeyay. Saarkaasi waxa uu diiradda saarayey nolashii aannu lahayn markii gumaysigii Reer Yurub ka kacay deegaannadeena, isla markaana waxa uu tilmaamayey go’aankii caddaa een kaga xayn-xidhanay “wadaaynimadii” hammiga waallida ahi ka keentay gumaysigii Reer Yurub—oo markaas iskeen annagu wax u qabsan karayney. Hayeeshee—sida saarka ku jirta—Reer Yurub (Waraabaha) ma aanun doonayn in uu faraha kala baxo ummada Soomaaliyeed iyo carrigoodaba; siyaasad ahaanna markii dambe aafe weyn ayaa naga soo gaadhay taas oo dad badanina sabab uga dhigi karaan burburkii qarankii Soomaaliyeed. [Hana iloobin in aan annagu qayb-libaax, haddaanu nahay Soomaali, mushkiladdaa ka qaadaney.] Haa, iskaaga ood wax u qabsato—dantaadana raacato—uun baad martabad sare ku gaadheysaa, hoos u noqodna hadalkeedba daa’!