Qarax Xoogan oo Goordhaw ka dhacay M/Muqdisho..[Wararkii ugu dambeeyay]

War deg deg ah oo goordhaw nasoo gaaray ayaa sheegaya in qarax xoogan oo Nuuca Miinada dhulka lagu aaso ah uu ka dhacay Suuqa lagu iibiyo Ariga oo kuyaala Xaafada Raadeelka ee Degmada Dayniile gobalka Banaadir.

Qof Goobjooge ahaa ayaa noo sheegay in qaraxa miino lagu aasay goob ay inta badan ciidamada amaanka fariisan jireen kuna qaadi jireen lacagaha cabshuurta ee laga qaado Suuqaasi waxaana Inta la xaqiijiyay ku dhaawacmay 8-qof oo isugu jira ciidan iyo shacab..

Xubno katirsan Maamulka Degmada Dayniile oo goobta gaaray ayaa u gurmaday dadkii ku dhaawacmay qaraxaasi una qaaday xarumo caafimaad, waxaana goobta uu qaraxu ka dhacay hada xiray ciidamo katirsan Dowlada.


LASOCO WARKAAN WIXII KUSOO KORDHA INSHA’ALLAH