HABEEKNA BEKRA JEBINTA

Habeenka aqalgalku waa habeennada nolosha qoys kan ugu horreeya, galmada dhacda habeenkaasi bayna gabadhu isugu bedeshaa haweeney, sidaasi daraadeed aad iyo aad buu ahmiyad ugu leeyahay haweeneyda cusub. Waxa ugu muhiimsan ee habeenkaasi dhacayaa waa bekra-jebinta. Bekradu waa xuub ama dub khafiif ah oo ku dahaaran afka hoose ee cambarka, waxaana ninka waajib ku ah inuu dillaaciyo ama ballaariyo xuubkaasi kolka ugu horreysa ee uu dhalfada gelinayo cambarka.

Waxa jirta in hablaha 10-39% xuubkooda bekradu aanu dillaacin balse uu ballaarto, iyada oo ay dhalfadu si xoog leh ku dhex marto xuubkaasi ballaartay. Xuubku waxa uu markaasi dhalfada u qabsanayaa sida laastiigga oo kale, halkaasina haweeneydu waxay ku dareentaa xoogaa xanuun ah oo ay macaani ku dheehan tahay (ka hadli mayno gudniinka fircooniga ah iyo gabadha la tolay, balse waxannu ka hadleynaa hablaha bekradii Eebbe u sameeyey qaba). Mar kasta oo ay dhalfadu sii ballaariso xuubka caynkasi ah, xanuunku waa uu sii yaraadaa, sidaasi buuna ninku geedkiisa si fudud muddo dabadeed cambarka ku geliyaa isaga oon wax dillaac ah u geysan. kolka ay galmadu badato si toos ah buu xuubkaasi u kala tagaa isaga oon wax dhiig ahi ka imaan amaba xitaa xanuunin.

Ragga khibraddoodu ay yartahay qaar baa u haysta in bekra-jebintu ay u baahan tahay xoog, kana shakiya awooddooda sidii iyaga oo ku jira ciyaar kooxeed, cabsidaasi oo dhibaato nafsiyadeed ku abuurta habeenka aqalgalka. Haddaba xaqiiqdu waxa weeye in bekra-jebintu aanay u baahnayn xoog, ha yeeshee ay ku filan tahay oo qura geedka ninka oo kaca dhalfaduna adkaato oo taaganto.
Dariiqada ugu sahlan ee uu ninku xaaskiisa ku bekra-jebin karaa waxa weeye gabadha oo intay dhabarka si dherer ah ugu seexata labadeeda lugood kala furta, jilbaha soo laabta, labadeeda cajirna kala fogeysa iyada oo gacmeheeda kaashanaysa, sidaasina uu ku ballaarto afka cambarku, kuna giigsamo xuubka bekradu, dhex-maristiisuna sahal ku noqoto. Dabeeto intuu ninku geedkiisa ku subko kareemo sahasha sibxashadiisa, ayuu xaaskiisa kor kaga yimaadaa, oo dhalfada u saaraa bushimaha cambarka, hal-marna si kedis ah kaga dusiyaa, halkaasina bekradii sidii maqaar durbaan u dillaacdaa.

Haddii gabadhu ay tahay mid aqoon yar, cabsi badan, kana baqaysa bekra-jebinta, waxa ninka waajib ku ah in aanu isku deyin in uu xoog kaga dusiyo geedkiisa, gaar ahaan hadduu geed weyn yahay sahalna aysan ahayn inuu cambarka dhex-maro, balse waa inuu u dib dhigtaa ilaa berrito kuna kaaftoomaa istiimin iyo salaaxid, si uu u soo dhoweeyo xabiibtiisa. Haddii uu ku guulaysto inay xaasku istiinka qaadato waa inuu si tartiib-tartiib ah isugu dayaa inuu kaga baabi’iyo cabsida ay ka qabto ninnimadiisa, isaga oo erayadiisa naxariista leh laabta ugu dejinaya, iskuna deyaya inuu ka bi’iyo gacaladiisa is-difaaca nafsiyeed iyo tan jireed intaba.

Kolka uu taasi ku guulaysto, waa inuu furista albaabka xiran u billaabaa si xariifnimo ku jirto, isaga oo isku deyaya ballaarinta xuubka bekrada, kana dhaadhicinaya aroosaddiisa in xanuunku uusan ahayn mid laga baqo, afka uu furayna uu yahay mid ku filan inuu si sahal ah geedkiisa ku geliyo. Waa inuu billaabaa gelinta dhalfada, isaga oo raacinaya niiko fudud, waana inuu xoogga saaraa inta u dhaxaysa labada bushimood ee yaryar xuubkooda ku beegan bartamaha cambarka, dabeetana gacaladiisa afka-afka u geliyaa oo dhunkasho iyo dhuuqmo ku billaabaa, daqiiqado kadibna si toos ah u geliyaa geedka. Markaasi qaylo ayay ku dhifataa, neef ay ku dheehan tahay oohin iyo farxadna neefsataa, kuna soo geba-gebeysaa dhoola caddeyn. waa guul.

Sida caadiga ah kolka bekrada la dillaaciyo dhiig ayaa ka yimaada, aan ka badnayn dhowr dhibcood, halleeyana go’a ku firaashan sariirta. Dadyowga dunida qaar baa waxay dhiiggaasi ku tilmaamaan inuu daliil u yahay bekranimada gabadha, ehelada gabadhuna waxay sameeyaan xaflad diini ah ooy ku xusayaan go’aasi dhiigga leh, iyaga oo ku waraya meelo loogu talagalay, kuna faanaya, ha yeeshee arrintaasi waa mid diinteenna Islaamka iyo akhlaaqda (anshaxa) khilaafsan.

Haddii gabadha uu dhiig badani ka yimaado, taasi oo mararka qaar dhacda, waxa waajib ku ah inay intay dhabarka u seexato, ay labada cajar isku dhejiso, iyada oon waxba isdhaq-dhaqaajin, markaa isaga ayaa iskii iskaga joogsanaya, waana inaanay isku deyin inay joojiso amaba dhiiggaasi tirto.

Waxaa marmar dhacda in xuubka bekradu uu adag yahay oo aanu ninku si fudud ku dillaacin karin, waxaana loo baahan yahay markaasi in aan xoog lagu dayin, oo intii aynu maqli lahayn qaylo iyo oohin ay habboon tahay in dib loo dhigo ilaa habeen dambe, haddiise arrintu adkaato waa in loo geeyo dhakhtarad ku takhasustay cilmiga haweenka, si ay qalliin bekra-jebin ah ugu sameyso. Xuubka bekradu kolka uu dillaaco sida caadiga ah waxa uu reebaa gaballo yaryar ama faraqyo aroosadda xanuujiya habeennada xiga, waxayse iskood u baaba’aan dhowr maalmood ama dhowr usbuuc kadib.

XUUBKA BEKRADA

Xuubka bekrada waxa dusha ka dahaara bushimaha yaryar ee cambarka. Xuubkaasi oo dillaaca habeenka gabadha la bekra-jebinayo, wuxuu yeeshaa kolka uu dillaaco faraqyo ama raaman, waana la dareemi karaa jiritaanka raamankaasi ilaa laga gaaro dhalmada koowaad kolkaasi oo uu si toos ah u baaba’ayo. Dillaaca xuubka bekrada waxa la socda dhiig bax heerar kala duwan leh. Waxa laga yaabaa in xuubku uu aad u adag yahay, hor istaagana galmada, ama yahay sida laastiigga oo kale oo uusanba galmo ku dillaacin, balse goor dambe dhalmadu ay dillaaciso. Waxa dhacda in mararka qaar afka xuubka bekradu uu yahay mid tooxan oo uusan koobaabnayn, mararka qaarna waaba uu dahaaran yahay oo maba laha xitaa meel uu dhiigga caadadu kasoo baxo, taasi oo kallifta in dhakhtar loogu yeero.


Dhakhtarad caafimaad oo tijaabo ay la kulantay ka hadashayna waxay tiri: (Gabar lix iyo toban jir reer miyi ah ayuu ninkeedii oo wadaa iigu keenay rugteyda caafimaadka. Waxay ahayd gabar caato ah, midab boor ah leh, aadna u bar yar, oo ruuxii eegaa u malaynayo inay ilmo laba iyo toban jir ah tahay. Waxaan ugu horreyntii u qaatay inay raashin xumo sidaan u gashay, ha yeeshee waxa iga shaki siiyay jirkeeda aad mooddo inuu dhiig caddaad qabo oo boorka leh, waxaanan is iri armay dhiig sumow qabtaa. Markii aan dharka ka dhigay waxa ii muuqatay caloosheeda buuran. Kolkii aan ninkeedii weydiiyayna waxa uu ii sheegay inuu qabo muddo ku dhow sanad, maalmahaan dambese ay billowday inay caloosha ka sheegato, isaga oo intaasi ii raaciyay “Waxaan u maleynayaa inay uur 5-6 bilood ah leedahay”. Dabeeto gabadhii ayaan weydiiyay su’aasha caadiga ah “ Goormaa dhiig caado kuugu dambeysay?”, waxanay iigu jawaabtay inaanay weligeedba arag dhiig caado, saa ninkii baa lasoo booday “Gabadhu waa ay yartahay oo weli ma qaangaarin, waxaana laga yaabaa inuu uurku sabab u yahay caado la’aanta”. Gabadha kolkii aan baaray waxa ii caddaatay in uusan jirin wax uur shan bilood ahi, balse ay jiraan wax aan garan waayey. Waxaan markaasi baaray ilma-galeenkii, saa dhabtii baa qorraxda ka caddaatay oo aad iiga nixisay. Cambarka waxa ku dahaaran dub dhumuc weyn oo balaastiig ah, kolkii aan farta ku riixayna si sahal ah u duusmay, waxayna farteeydu ku sigatay inay gaarto luqunta ilma-galeenka oo uusan u dhexeyn wax aan xuubkaasi ahayni. Ninkii baan weydiiyay waxa uu ka xusuusto habeenkii aqalgalka, wuxuuna iigu jawaabay “Habeenkaa xaaskeyga waan u tegey, wax dhiig ahise kama imaan, ha yeeshee kama aanan shakiyin maadaama ay ahayd ilmo yar oo aan weli caqliyaysan”. Markaas baan ninkii u sheegay in naagtiisu ay weli bekro tahay ayna ku dhalatay xuub bekro dhumuc weyn oo owdan, waxa caloosheeda ka buuranina uu yahay dhiiggii caadada oo bilba bisha ka dambeeysa ku ururayey, meel uu dibadda uga soo baxana la’aa. Kolkii aan xuubkii bekrada dillaaciyay waxa oodda soo goostay dhiigii duugga ahaa oo is urursaday, gabadhii markaas bay miiskii ay dul saarneyd uga toostay sidii iyada oo markii ugu horreysay ka soo nabdoonaatay cudur ku raagay) .

Xuubka bekrada caadiga ahi kolka uu ku dillaaco galmada ugu horreysa, waxa dillaacaasi luqada caafimaadka lagu yiraahdaa (Defloration)ha yeeshee waxaa laga yaabaa in dillaacaasi ay keenaan waxyaabo kale oo aan galmo wax xiriir ah la lahayni, kolkaasi ooy gabadhu dareento xanuun yar amaba aanay waxba dareemin, xoogaa dhibco dhiig ahina ka soo tif-tif yiraahdaan. Waxa isna jira xuub bekro daloolkiisu uu laab-laaban yahay, kana ballaar badan yahay kan koobaabinta ah, geedka ninkuna uu geli karo isagoon wax dillaac ah u geysan, gaar ahaan hadduu geedku ka dhumuc yar yahay sida caadiga ah. Waxa kale oo isna jira nooc xuub bekro daloollo badan leh sida shaqshaqa oo kale, kaasi oo kolka galmadu dhacayso si sahal ah u dillaaca isaga oon keenin wax dhiig bax iyo xanuun ah toona. Waxa intaa dheer hablo dhasha iyaga oo xuubkooda bekradu aanu lahayn wax dalool ah sidaan hore uga soo hadalnay waase arrin naadir ah. Xuubka bekrada noocyadiisa waxa ugu badan (75%) nooca jilicsan daloolkiisuna koobaabinta yahay. Boqolkiiba 25% waa noocyada kale ee aan caadiga ahayn, waana in arrintaasi maanka lagu haayo.

Waxa laga yaabaa in xuubka bekradu uu ku dillaaco sababo kale oon ahayn galmada sida farda fuulka, mooto fuulka, amaba ay gabadhu farteeda ugu dillaaciso si ula kac ama kama’ ah sida iyada oo farta ku riixda si ay u hubsato in ay weli bekro tahay, sidii qof kiish lacag ahi jeebka ugu jiro oo mar waliba gacanta ku hubsanaya inuu meeshiisii weli ku jiro, taasi oo markaasi keenta inuu si tartiib-tartiib ah u duusmo dabeetana u dillaaco.

Xuubka bekradu kama qaybqaato galmada wax shaqa ahna kuma laha, mana keeno wax raaxa ah, ha yeeshee waxa uu qiimi weyn u leeyahay nolol bulshadeedka mujtamacaad badan oo dunidan ku nool. Dad badan baa waxay ka dhegaxiran yihiin waxa uu xuubkaasi yahay, waxaanay qaarkood aaminsan yihiin inay waajib tahay in xuubkaasi lagu dillaaciyo kulanka ugu horreeya ee ay kulmaan labada aqalgalay dhiig gaduudanina soo yaaco, haddii kale gabadhu bekro ma aha. Waxa dhacda in dalalka qaar gabadha qudha laga jaro hadduu dhiig ka soo yaaci waayo habeenka aqalgalka, iyada oo looga aar-goosanayo inay ku ciyaartay sharafteedii iyo tii eheladeeda intaba.

Kolka laga soo billaabo waqti fog, xuubka bekrada oo nabad qabaa waxa uu ka marag kici jiray bekranimada gabadha iyo inaan weligeed loo tegin, suuragalna aanay ahayn inay uur qaaddo xitaa hadduu ka joogsado dhiigga caadadu. Si haddaba looga ilaaliyo gabadhu inay bekra-jabto iyada oon bisayl (16-18) gaarin, waxay mujtamacaadka qaarkood u dejiyeen qawaaniin u diidaysa inay sameyso wax haba yaraatee lagu magacaabi karo galmo, xitaa hadday ahaan lahayd dhunkasho amaba taabasho xubnaha taranka dharka kakor laga taabanayo. Mujtamacadka qaar ay Soomaalidu kamid tahay waxay u qodbaan gabadha si iskaba daa gaabsiye sidii gabadhaasi guur loogu naageysan lahaa ay u baahan tahay dagaal ba’an oo dhiig ku daato. Iyadoo taasi jirto bay misana hablaha magaalooyinku gabarnimadooda (bekranimadooda) ku waayaan kacsi labboodnimo iyo raaxo jinsiyeed raadin aawadood, ama ay siraan dhallinyaro u ballan qaadda inay guursan doonaan, amaba jacayl been ah u dhisa, dabeetana kolka ay muraadkooda ka gaaraan qashin-qubka iskaga tuura una horseeda sharmuutanimo.

Si kastaba arrintu ha ahaato eh looma baahna in xuub bekro kasta oo dillaaca loo qaato inuu ku dillaacay galmo. Sidoo kale looma baahna in nabad-qabka xuubka bekrada loo qaato looguna dhaarto in gabadha lihi ay bekro tahay. Dr. Amiin Ruweyxa waxa uu ku qoray buuggiisii (Al-Xubbu Was-Sawaaju) sidatan: (Waxaa maalin maalmaha kamid ah ii timid gabar leh uur shan bilood ah, ahna ardayad Jaamacad dhigata. Gabadha waxay is jeclaayeen wiil ay Jaamacadda wada dhigtaan, waxanay ku ballameen inay is guursadaan kolkay waxbarashada dhameeyaan. Gabadha iyo gacaliyeheedu dusha sare ayay isaga galmoon jireen (waa uu u buraashi jiray) iyagoon wax dhaawac ah gaarsiin xuubka bekrada. Ha yeeshee taasi kama aanay hor istaagin xawadii inay maalin maalmaha kamid ah gaarto daloolkii xuubka, oo inta ay gashay, dabeeto uga gudubtay qaybihii hoose ee cambarka, sidaasi bayna gabadhii ku qaadday uur iyada oo bekro ah “sida uu dadku ku tilmaamo”). Haddaba akhristaha sharafta lahow isweydiiyoo ma tahay gabadhaasi bekro?.

Waxa weliba taa ka sii daran in la is xusuusiyana mudan umuur fara ba’an ku haysa qaar kamid ah dalalka bekrada caabuda (gabadhii xuub bekro leh ixtiraama). Dhallinyarada ku nool dalalkaasi qaarkood iyaga oo doonaya inay raaxeystaan isla markaasina ilaalinaya xuubka bekrada xabiibtooda, ayay ku kacaan umuur aad uga fool xun arrimihii lagala dagaallamayey, taasi oo ah inay hablaha uga galmoodaan dhanka gadaale (Dabada). Mashaqadaasi waa mid aad caan ugu ah dalalka habeenka inantooda lala aqalgelayo dhiigga ka soo yaaca u sacabba tuma.

War iyo dhammaan, galmada habeenka koowaad oo si naxariis darro ah loogu dillaaciyo xuubka bekradu waxa ay gabadha ku keentaa dhiig-bax iyo dhaawacyo mararka qaar u baahda dhakhaatiir iyo cusbitaallo. Waxa weliba intaa dheer gabadhaasi oo laga yaabo inay qaaddo qabow iyo rabitaan la’aan jinsiyeed ka dhashay dhaawacyadii habeenkaasi.