Dhalinyaradu waa xooga ugu fir fircoon ay ummad walibaa leedahay

Dhalinyaradu waa xooga ugu fir fircoon ay ummad walibaa leedahay waana muraayada kaliyaa ee laga eegto waxa bulsha kastaa ku danbeyn mustabalka oo hadii ay kaalintooda ku qotonto karti iyo hufnaan la saadaaliyo in masiirka ummadaa uu himilo wanagsan ku danbeyn doono maadama ay yihiin hogaanka bari iyo kuwi taariikhda dalkooda wax ka qori lahaa,
dhalinyaranimadu ayaa lagu tilmaama in ay tahay xilaga qofka uu heysto fursada ugu qaalisan ee nolashiisa waa tan kowaade in uu yahay xiliga uu ugu caafimaadka badan yahay iyo xiliga uu ugu caqli iyo cudud wanagsan yahay isla mar ahaatana dhalintu ay yihiin qeybta ugu badan ee bulshada , wax tarka awooda dhalinyarada ayaa ah mid ku fadhida macno weyn hadii an dib u milicsanto taariikhda oo aan soo qaadano wakhtigii ay diinta Islaamku soo baxday dadkii rumeeyey dad da’doodu way weyneyd oo dad iska saboola oo qabiil ahaan laga awood badnaa ayey ahaayeen, taasi waxay sababtay inay kufaartii reer Makaad aad u dhibaateeyaan Nabiga (csw) iyo asaaxtiisaba.
Dhibaatooyinka loo gaystay Nabiga (csw) iyo asxaabtiisu way badnaayeen oo halkan kuma soo koobi karno lakin hadaan soo qaadano dhibaatadii loogu gaystay magaalada Daa’if oo aad u xanuun badnayd isla markaana sababtay in Nabiga (csw) malag ka codsaday in uu u ogolaado in la ciqaabo dadka dhibaatada u gaystay oo gabigoodaba la halaago. Nabigu(csw) oo aad u naxariis badnaa wuxuu ugu jawaabay malagii in uu iska dhaafo waxaanu usheegay inay ubadkoodu diinta Islaamka u gargaaridoonaan. Taasina way dhacday oo kufaartii waa weynayd ee Maka caruurtoodii ayaa diinta Islaamka heer gaarsiiyey oo aduunka meelkasta ku fidiyay
Sidoo kale wadanka Iiran markii boqor Shaah awoodii ku tagri falay ee caburin iyo cadaadis kula kacay shacabkiisa dadkii ka dhiidhiyey ee boqortooyadii weynayd afka ciida ugaliyey kuna badalay dawlad Islamiya oo aad u awood badan waxay ahaayeen dhalinyaradii wakhtigaa wadanka Iiran uu lahaa.
Hadii aan soo qaadano dhacdooyinka ugu waa waynaa ee dunida ka dhacay qarnigan gaar ahaan dunida carabta sanadkii ina dhaafay waxaa ka dhacay wadamada carabta meelaha qaarkoodna wali sii socda kacdoono sidii duufaanta oo kale ah kuwaas oo meesha ka saaray qaar ka mid ah hogaamiyaasha aduunka ugu da’da weyn marka la eego mudada kursiga ay ku fadhiyeen. Kacdoonadaa awooda waynaa ee dunida carabta gilgilay waxay ahaayeen dhalinyaro,
balse dhalinta Soomaaliyeed aqoonyahanadii dalka iyo dadkow hadii aan usoo laabano sida uu xaalkeenu yahay dhabtii waxaa muuqata dib u dhac iyo habacsanaan dhankeena caalamku wuu tagay war miyanan awoodin in aan maanta meel kasoo wada jeesano oo an qeeybsananta iyo kala qoqobnaanta ka xuub siibano oo waqtigii iyo waayihii ina soo maray wax ku qaadano oo aan u midowno sidii aan gar gaar iyo garab aan ugu noqon laheyn bulshadeena oo diifta iyo daac darida ka muuqata aan u dhaba galno sidii an uga saari laheyn inagoo adeegsaneyna cilmigeena iyo cududeena oo aan ku dayano asaageen oo maanta tiiksaday in ay badalaan oo ay ka tashadaan masiirkooda iyo aayahooda
Waa suurto gal intaa iyo in ka badanba Waxay ku xiran tahay feejignaanta iyo fiira dheeraanta aqoonyahanka Soomaaliyeed Waxay ku xiran tahay baraarujinta iyo bislaynta bulshada Soomaaliyeed Waxay ku xiran tahay bahada qalinka oo bulshada hanuuninteeda iyo hagaajinteeda har iyo habeen heegan u ahaada. Waxay ku xiran tahay dhalinta oo hurdada ka toosta oo dhan u wada jeesata.
barbaareey, xumaan iyo xasad baa la inagu abuuray, naxli iyo nuxus baa dhexdeenna la dhigay waana kala qoqoban nahay cududdeenii baa wiiqantay; caqligeennii baa kala dhantaalmay; aayaheennii baan ilaawnay . Iskuma uur fayoobin, iskumana calool samin.
Kaalintii aan bulshada ku lahayn baan gabnay. qanac iyo quus baa quluubteenna ku samaysmay asaageen baan ka harnay Inteena kulantaa reernimo ayay isku aragtaa inteenna kala tagtaana reernimo ayay ku kala tagtaa. cabasho iyo caloolyaw baa inaga soo haray xooggeenii baa daah iska saarnay.
Dhallinteenaay maaha xilligii la wel weli lahaa. walaalayaal aan is weheshanno, aan wada jirno, intii meel wada joogtaaba wax isku ahaanshaheeda iyo walaaltinimadeeda ha ka taliso, ha isku timaad, wax h wada qabsato.