Barwaaqada dalkeena hooyo

Maansadan layiraahdo ANAGA IYO GAALADDA

kana hadlaysa illaahay barwaaqada iyo nimcada illaahay uu ugu deeqay adoomihiisa iyo sida aanuu waxba inoogu qarin.sida uu arin walba uga hadlay.lama soo koobi karo macnaha iyo xigmada ku dheehan ee kusalaysan diinteena iyo illaahay siduu aduunka u uumay una qotomiyey oo ah hab farshan nimo kujirto.
Ima Aamusaayee.


Uurkay godlanayee.
Idhegeysta maantana.
Ashahaadda cullus iyo.
Axmedoow Rasuulkii.
Ambiyaalihii hore.
Asaxaabihii tegey.
Eeddaanka subixiyo.
Arkaanuu Ialaamkaba.
Allahayoow.Ninkii qirey.
Kuma qaddo Agtaadee.
Adaa mahadleh eebboow.
Adigaa sareeyoo. 
Asmmadii quraankiyo.
Addaa qul huwalaha yidhi.
Axad keliyabaan ahay.
Awal aakhir baan ahay.
Ehel iyo qaraabiyo.
Ubbad aan lahaynoo.
Abbidkii la dhalinoo.
Alle waaxiddaan ahay. 
Addigaa raxmaanoo.
Naxariis.Awooddee.
Arxan waa xagaagee.
Aakhiro halkii roon. 
Arladda iyo Samaddaba.
Adigaa qotomiyoo.
Uddubli’i Utaagoo.
Aasaasay keligaa.
Afarteedda geesood.
Aad gogoshay ciiddoo.
Durduradda Ordaayiyo.
Inta aad bad iyo webbi.
Usamaysay buuriyo.
Illiilaha biyaha liyo.
Aydiyo bannaankiyo.
Dhirta lagu Ildoogsado.
Ubbixiyo midhaha dhalla.
Anfacaadka laga dayo.
Kolna Oodda dhacantiyo.
Laga jaro Albaabadda.
Aqal laga samaystee.
Nooluhu u Aayeen.
Adigaa farshaxanoo.
Eebboow sameeyee.Addigaa raxmaanoo.
Naxariis Awoodee.
Arxan waa xagaagee.
Aakhiro halkii roon. 
Addoomaha dhammaantood.
Ummaddaha ragiyo dumar.
Insi iyo jin labadaba.
Muuqaalka Arragiyo
Abbuur wacan Uyeeshoo.
Si’aanay Ukala lumin.
Astaan laysu raaciyo.
Isir baad ka beertoo.
Abtirsiinyo siisoo.
Isku haybsadaad tidhi.
Odhaahda iyo hadalkuna.
Is afgarasho weeyee.
Aqoonta iyo garashada.
Isticmaala baad tidhi. 
Aadmigaa diciifoo.
Itaal aan lahaynoo..
Utun kala tirsanoo.
Kala Aarsanaayoo.
Eexadda qabiilkiyo.
Hayb hayb Iskala gura.
Eryanaaya duunyoo.
Ambaddoo halawsane.
Uur hooyo labadday.
Ummushee kasoo baxay.
Isma dhaxasho weeyoo.
Isma daadaheeyaan. 
Eebboow hantiyo maal.
Adigaa ku hodanoo.
Abeesadda sunta lehiyo.
Inta dhagaxa hoosiyo.
Ayaxiyo shimbirihiyo.
Arbihiyo maroodiga.
Rabbiyoow Arsaaqoo.
Oontooda qaybshee.
Addaa mahadle eeboow.
Addigaa sareeye ah. 
Addigaa raxmaanoo.
Naxariis.Awoodee 
Arxan waa xagaagee.
Aakhiro halkii roon. 
Afrikadda madaw iyo.
Amiiraddii islaamkuba.
Afmiinshaaro weeyaan.
Abdo aan lahaynoo.
Iimaanku madhanyoo.
Allamsanaya xaaraan.
Sida Aar libaaxay.
Isla weyn yihiinoo.
Anshax iyo xishood maleh.
Sharaftoodii Iibsadde.
Orgobaha kufaartay.
Ufushaan dantiisoo.
Ikhtiyaarka uurabo.
Ummadiidayaanoo.
Ushaa la,agdhigtaayoo.
Ogol waw saxeexaan. 
Ummaddoodii duudsiye.
Waxba kama Ajoodaan.
Ardaydii quraankiyo.
Iimaamkii salaadiyo.
Oddayaddii cuqaashiyo.
Awliyadii shareecaddu.
Awgii islaamkuba.
Ixtiraam mahaystaan. 
Ax ninkii yidhaahdee.
Dhaqdhaqaaq Asteeyee.
U adeega diintee.
Allahayoo ku caabudda.
Ishaa lagu hayaayoo.
Intay laba dibleeyaan.
Adimadda silsilad iyo.
Dabar kaga Adkeeyaan.
Aramidda halgaadaleh.
Oofaha Ugeliyaan.
Usna ay yidhaahdaan.
Gaalada Udhibaan. 
Irbaddaha waxdoorshay.
Ku Iraabiyaanoo.
Adhaxday kajebiyaan.
Ummal waw dhameeyaan. 
Afcastii rasaastiyo.
Ama gummuca yawliyo.
Aaladdaha wax guba,ee.
Onkodkiyo hillaaca leh.
Anakoon lahayn bay.
Ubataysan yiinoo.
Uugaamayaanoo.
Iska kaaya Eegaan.
Albaqriyo kitaabkaa.
Ku Adkaysanaynaa.
Anaga iyo gaalada.
Allahayoow nakala furo. 
Addigaa raxmaanoo.
Naxariis Awoodee.
Arxan waa xagaagee.
Aakhiro halkii roon. 
Anagaa dayaysane.
Irbad nooma aad qarin.
Amar baad nasiisoo.
I addeeca baad tidhi.
Udgoonoow rasuulkii.
Udhawaada baad tidhi.
Ashbahiisa yeeshoo.
Asal raaca baad tidhi.
Oofiya sallaadoo.
Tawxiidka Aayidda.
Isbahaysi yeeshoo.
Is ogaada baad tidhi.
Aayaddaha quraankana.
Intifaacsadaad tidhi.
Axaadiista nebigana.
Isgaadhsiiya baad tidhi.
Axsankiyo wanaagana.
Isu sheega baad tidhi. 
Ammaanaddu xil weeyee.
Ogsoonaadda baad tidhi
Uurxummadda dhexdiinana.
Isasaamaxaad tidhi.
Itixaad samaystoo.
Is urruursaddaad tidhi.
Denbi waa Agtiinee.
Toobadaa Iddiin furan.
Istaaq furala kiiyidhi.
Aqbal waan kayeelaa.
Ayaamaa la noolyee.
Isbadbaadiyaad tidhi.
Aakhiraa danbaysee.
Ushaqaysta baad tidhi.
Iilkiyo xabbaashana.
Ajar keen sadaad tidhi.
Abboorkiyo qudhaanjadda.
Aad kaga badbaadaan. 
Addigaa raxmaanoo.
Naxariis Awoodee.
Arxan waa xagaagee.
Aakhiro halkii roon. 
Ubadkana tarbiyadiyo.
Ubarbaarsha diintoo.
Asturaada xayadiyo.
Eddeb yeesha baad tidhi.
Anfariirka nolloshiyo.
Aafaadka waayaha.
Adadayg uyeeshoo.
Udulqaatabaad tidhi
Amuurtii timaadaba.
Samir Aaminaad tidhi.
Ashqaraarka dunidiyo.
Dhallanteedka Oogada.
Isha way Udarantee.
Nafta uga digaad tidhi.
Iblays baa dhexdiinana.
Unugunug ujoogee.
Is illaaliyaad tidhi.
Iga magan galaad tidhi. 
Addigaa raxmaanoo.
Naxariis Awooddee.
Arxan waa xagaagee.
Aakhiro halkii roon. 
Ayaantay xisaabtiyo.
Abaal marinta gaadhee.
Adi lagu horjoogee.
Agab aan lasidanee.
Eeddaadka maantaa.
Afdhabaandhow ay tahay.
Qof waliba ayaankii.
Ifka wuxuu ahaa iyo.
Aduunyadda wuxuu galay.
Indhihiisa la hordhigo.
Aanuu diidi karinoo.
Asaraar kakeenayn.
Oof wareen siduu qabo.
Ajashuna kuculus tahay. 
Ollolkiyo caddaabaha.
Naaraha Ugdhamayana.
Ammar diidayaashiyo.
Intii caasi noqotaad
Uubteeda gelinoo.
Arwaaxooda lagu gubi.
Inta moxamed raacdee.
Imtixaanka guddubtee.
Uu shafeeco qaadee.
Uqushuuco nagayeel.
Uddugii fardowsiyo.
Irriddaha janada gala.
Adna raali gelisee.
Istareexda nagayeel.
Addaa mahaleh Eeboow.
Adigaa sareeyee.
Arxan waa xagaagee.
Aakhiro halkii roon.