Hrithik Roshan Oo Ka Duulay Garoonka Istanbul Ka Hor Inta Aysan Qaraxyo Ka Dhicin

Bollywood Super Star Hrithik Roshan iyo labadiisa wiil ayaa ka duuleen garoonka Istanbul saacado ka hor inta aysan qaraxyo xoogan halkaas ka dhicin.

Hrithik iyo caruurtiisa waxay dalxiis kaga soo laabteen dalka Tanzania ayagoo kusoo jeedeen Hindiya balse diyaaradooda ayaa socdaalka kusoo martay magaalada Istanbul.

HR dib u dhac kooban ayaa ku yimid safarkiisa wuxuuna saacado ku sugnaa asiga iyo labadiisa wiil gudaha garoonka diyaarada Istanbul.

Hadaba xidigan marka uu kasoo safray Istanbul soona aaday magaalada Mumbai ayaa qaraxyo iyo weerar xoogan ka dhaceen Airport-ka caalamiga ah ee magaalada Istanbul ku yaalo waxaana halkaas ku dhinteen dad gaarayo 36-qofood sidoo kalena dad 140-qof sare u dhaafayo ayaa ku dhaawacmeen.

Hrithik Roshan iyo labadiisa wiil dhacdo xanuun badan ayay ka bad baadeen waxaana la dhihi karaa waa shaqsi aad u nasiib badan.