Finanka Wajiga Raga?

FINANKA
Waa maxay ujeeddooyinka buugyarahan?
Waxaa buugyarahan loo qoray si lagaaga caawiyo in aad wax dheeraad ah
ka fahanto finanka. Waxuu kuu sheegayaa waxa ay yihiin, waxa keena, waxa
laga qaban karo iyo halka aad ka heli karto war dheeraad ah oo ku saabsan.
Waa maxay finanku?
Finanku waa xaalad aad caadi u ah oo haraggaa gaarta taasoo lagu arko
dhulluxyo madax madow iyo madax cad iyo dhulluxyo kaloo malax leh.
Waxay caadi ahaan soo baxaan waqtiga baaluqsiga wayna kala daran yihiin
iyagoo ku bilaabmi kara dhulluxyo tiro yar oo ka soo baxa wajiga, qoorta,
dhabarka iyo xabadka, oo dadka dhowr iyo toban jir ah ay mar uun yeeshaan,
ilaa dhibaato ka daran oo keeni karta nabarro jirku yeesho iyo saamaynta isku
kalsoonida. Dadka intooda ugu badan waxay ka haraan marka ay gaaraan
dhammaadka dhowr iyo toban jirka ama horraanta labaataneeyada, laakiin
dadka qaarkood way ku sii socon karaan.
Finanku waxay dadka ku bilaabmi karaan dhammaadka labaataneeyada ama
xataa soddonayeeda. Waxay mararka qaar ka soo baxaan carruurta da’ yar
iyagoo ah dhulluxyo madax madow iyo/ama dhulluxyo malax leh oo
dhabannada ama sanka ay ku yeeshaan.
Maxaa keena finanka?
Qanjirrada saliidda soo saara ee dadka finanka yeesha ayaa gaar ahaan u
nuglan caddadka dhiigga ee caadi ah ee hormoonooyin gaar ah, kuwaasoo
ay ragga iyo haweenkuba leeyihiin. Waxay kuwaasi keenaan in qanjirradu ay
soo saaraan saliid xad dhaaf ah. Isla waqtigaas, unugyada haragga ee
dhintay ee saaran daloollada haragga ayaanan si hagaagsan la isaga ridin
waxayna xiraan daloollada jirka. Labadaas saamayn ayaa keena in saliiddu ay ururto, ayna keento dhulluxyo madax madow (goortaasoo la arki karo
dabool saliid ah oo madow iyo haragga dhintay) iyo dhulluxyo madax cad.
Baktiiriyada finanka (oo loo yaqaanno Brobionibakterium aknes) waxay ku
nooshahay haragga dadkoo dhan, caadi ahaanna dhibaato ma keento, laakiin
dadka iyagu u nuglan finanka, saliidda isku ururta ayaa samaysa meel ku
fiican si ay baktiiriyadu ugu badato. Waxay taasi keentaa barar iyo dhulluxyo
cas ama malax leh oo soo baxa.
Finanka qaarkood waxaa keeni kara daawo qofka loo siiyo cudurro kale ama
irbado ama kiniinno uurka celiya. Qaar ka mid ah kiniinnada ay qaataan
dadka muruqyada dhista waxaa ku jira hormoonooyin dhalin kara finan iyo
dhibaatooyin kale.
Finanku marar aad dhif u ah ayay ka iman karaan dhibaatooyinka ka
yimaadda hormoonooyinka. Haddii aad isku aragto timo si aanan caadi ahayn
kaaga soo baxa ama kaaga daata, caado kala go’go’an ama isbeddello kale
oo jirkaaga ku yimaadda, markaa taas u sheeg takhtarkaaga si aad u eegto
haddii ay muhiim tahay.
Finanka miyaa la kala dhaxlaa?
Finanku waxay u kala gudbi karaan xubnaha qoyska, laakiin intooda ugu
badan waxay u yimaaddaan si kala googo’an waxayna ku soo baxaan sababo
aanan la garanayn.
Maxay finanku u eeg yihiin maxaana laga dareemaa?
Muuqaalka caadi ah ee finanku waa waxyaabaha soo socda oo isku darsan:
harag saliid leh, dhulluxyo madax madow iyo dhulluxyo madax cad, dhulluxyo
cas, saanfuurro malax huruud ah leh, iyo nabarro. Mararka qaar, dhulluxyo
waaweyn oo xanuun leh ama boogo jirka hoostiisa ka soo baxa ayaa dhalan
kara kuwaasoo aakhirka dillaaci kara oo soo tuuri kara waxa ku jira ama
waxay hagaagi karaan iyagoon dillaacin.
Haragga ay saameeyaan ayaa kulayl, xanuun iyo damqasho laga dareemi
karaa marka la taabto.
Dhulluxyadu dhammaantood finan ma aha, markaa haddii wax aan caadi
ahayn aad ku aragto firiirica waxaa lagugula talinayaa in aad takhtarkaaga
kala hadasho.
Sidee finanka loo soo ogaadaa?

Finanka si fudud ayaa loogu garan karaa dhulluxyada soo baxa iyo sida ay
ugu fidaan wajiga, qoorta, xabadka ama dhabarka. Hase yeeshee, waxay
finanku u kala baxaan dhowr nooc takhtarkaaga ayaana kuu sheegi kara
nooca aad adigu qabto ka dib marka uu haraggaaga eego. Nooca ugu badan
waxaa la yiraahdaa ‘akne vulgaris’.
Miyaa finanka la wada daawayn karaa?
Waqtiga xaadirka ah ma jiro wax lagu ‘wada daaweeyo’ finanka, inkastoo
noocyada daawaynta ee diyaar ah ay si fiican uga hortagi karaan soo bixidda
dhulluxyo cusub iyo nabarrada.
Sidee finanka loo daawayn karaa?
Haddii aad finan leedahay laakiin aanay wax kuu tarin daawooyinka si caadi
ah dukaannada looga soo iibsado markaa waxaa la filanayaa in aad u baahan
tahay in aad takhtarkaaga u tagto. Guud ahaan, noocyada daawaynta ee ugu
badan waxay qaataan laba ilaa afar bilood si looga helo waxtarka ugu badan.
Noocyada daawaynta ee finanku waxay u kala baxaan qaybaha soo socda:
 Noocyada daawaynta ee jirka la mariyo, matalan kuwa toos loo mariyo
haragga
 Antibiyootigyada afka, matalan kiniinno afka lagu qaato
 Kiniinnada ka hortagga uurka ee afka
 Kaabsallada daawada isotretinoin
 Noocyada daawaynta ee kale
Noocyada daawaynta ee jirka la mariyo
Kuwan ayay marka hore caadi ahaan doortaan dadka iyagu qaba finan tiro
yar ilaa tiro meeldhexaad ah. Waa in la mariyo dhammaan qaybta haragga ee
finan leh (sida wajiga oo dhan) mana aha in si gaar ah loo mariyo dhulluxyada
uun, caadi ahaan habeen kaste ama laba jeer maalin kaste. La hadal
takhtarkaaga haddii ay kuu keenaan cuncunka haragga; waxaa waxtar yeelan
karta in aad yarayso inta jeer ee aad daawaynta isticmaasho, ugu yaraan
muddo ku meelgaar ah, si lagaaga caawiyo in aad dhibaatadaas ka gudubto.
Waxaa jira daawooyin si firfircoon uga hortagi kara finanka, sida benzoyl
peroxide, antibiyootig (sida erythromycin, tetracycline iyo clindamycin),
daawooyinka fiitamiinta ee retinoids (sida tretinoin, isotretinoin iyo adapalene),

Daawaynta antibiyootigga afka
Waxuu takhtarkaagu kugula talin karaa kiniinno antibiyootig oo uu kuu qoro,
caadi ahaan erythromycin ama nooca tetracycline, oo mararka qaar lala qaato
daawayn jirka la mariyo oo habboon.
Antibiyootigyada waxaa loo baahan yahay in la qaato marka ugu yar laba
bilood, waxaana caadi ahaan la sii wadaa ilaa aanan wanaajin kale la arkin,
ugu yaraan muddo lix bilood ah. Qaarkood ma habboona in la qaato waqtiga
cuntada, markaa tilmaanbixinta si taxaddar leh u akhriso.
Noocyada daawaynta ee ka hortagga uurka ee afka
Noocyada kiniinnada ka hortagga uurka ee afka qaarkood ayaa caawiya
haweenka finanka leh. Kuwa ugu waxtar badan waxaa ku jirta daawo xirta
hormoonada (tusaale ahaan, cyproterone) oo yaraysa qiyaasta saliidda ee
haragga ka soo baxda. Waxay caadi ahaan qaadataa ugu yaraan saddex ilaa
afar bilood si faa’iido qofka loogu arko. Inkastoo ay suurogal tahay in aanan
sababtaas loo qaadan, waxay kiniinnadu weliba gargaar ka bixiyaan ka
hortagga uurka. Maadaama ay ka hortagaan soo saarista ukunnada
haweenka, waxaa laga yaabaa in aanay ku sii fiicnayn gabdhaha da’ yar ee
dhowr iyo toban jir ah iyagoo aanay si fiican ugu bilaaban soo saarista
ukunnada haweenku. Waxay kiniinnadaasi kordhiyaan halista xinjirrada
dhiigga kuwaasoo khatar noqon kara. Waxay halistaasi u sii badan tahay
dadka sigaarka cabba, cayilan ama qoyskooda ku leh dad kaloo hore u
yeeshay xinjirrada dhiigga.
Isotretinoin
Daawayntani waa mid awood iyo waxtar badan oo loogu talagalay finanka
taasoo weli faa’iido u leh bukaanleyda intooda ugu badan ilaa laba sano ka
dib marka keliya ee lagu daaweeyo. Hase yeeshee, waxay keeni kartaa
dhibaatooyin farabadan oo soo raaca oo daran waxaana dadka loo qori karaa
uun marka uu la socdo xirfadle gaar ah ee harag (consultant dermatologist).
Daawada isotretinoin waxay waxyeellayn kartaa ilmaha uurka ku jira.
Hay’adda badbaadada daawooyinka ee dawladda (MHRA) waxay xeerar
adag u dejisay takhaatiirta daawadan qoraya. Haweenku waxay is qoraan
barnaamij ka hortag uur waxayna u baahan doonaan in laga qaado baarista
uurka ee aanan uur lagu arag ka horta inta aanay daawaynta bilaabin.
Baarista uurka waxaa lagu celin doonaa bil kaste muddada daawayntu socoto
iyo shan toddobaad ka dib marka daawaynta la dhammaysto. Ka hortagga
uurka ee waxtar leh waa in la isticmaalo ugu yaraan muddo afar toddobaad ah daawaynta ka hor, muddada daawaynta lagu jiro, iyo ugu yaraan muddo
afar toddobaad ah ka dib.
Waxaa laga walaac qabaa in daawada isotretinoin ay keeni karto niyadjab iyo
dareen isdilis. Finanka laftigoodu badi dadka way ka niyad jebiyaan markaa
taasi ma aha wax si fudud loo fahmi karo. Faahfaahinta ku saabsan taariikhda
niyadjabka ama cudurka kale ee maskaxda ee shakhsi ahaaneed iyo qoyska
waa in aad kala hadasho takhtarkaaga gaarka ah iyo xirfadlahaaga haragga
ka hor inta aadan ku fikirin in aad bilowdo daawaynta loo adeegsado
daawada isotretinoin.
Daawada isotretinoin waxaa sida ugu badan la qaataa muddo afar bilood ah
waqtigaasoo haraggu uu caadi ahaan engego, gaar ahaan dabnaha
hareerahooda. Waxaa caadi ahaan waxtar leh boomaatada dabnaha lagu
jilciyo oo si joogto ah loo mariyo. Badi, finanku way ka yara daraan muddo
xoogaa toddobaad ah ka hor inta aanay roonaan. Waxay u roonaadaan si
tartiib tartiib ah muddada daawaynta lagu jiro, markaa ha ka xumaanin haddii
aadan natiijo fiican degdeg u arkin.
Waa in carrabka la saaro in kumanaan farabadan oo dad ah ay ka faa’iido
heleen daawaynta loo adeegsaday daawada isotretinoin iyagoon isku arkin
dhibaatooyin soo raaca oo daran.
Warbixin dheeraad ah oo ku saabsan daawada isotretinoin waxaa laga heli
karaa bogga internetka ee BAD, kuwaasoo loogu talagalay ragga iyo
haweenka labadoodaba.
Noocyada daawaynta ee kale
Waxaa jira noocyo farabadan ee daawaynta loo adeegsado iftiinka iyo ilayska
laser oo lagu daaweeyo finanka barara laakiin noocyadaas daawaynta waxaa
laga helay natiijooyin isku qasan markii la baaray caadi ahaanna waxtar uma
leh daawaynta finanka barara ee aad u daran. Dib u simidda haragga wajiga
ee loo adeegsado ilayska laser si loogu yareeyo nabarrada finanka ka
dambeeya ayaa ah farsamo badi la isticmaalo oo u baahan xirfadaha takhtar
qalliin oo isticmaala ilayska laser oo khibrad leh. Daawaynta ilayska laser waa
in aanan la samaynin ugu yaraan hal sano ka dib marka la dhammaysto
daawada isotretinoin.
Daryeelka iskaa ah (Maxaan anigu samayn karaa?)
4 Fitzroy Square, London W1T 5HQ

 Isku day in aadan xoqin ama tuujin dhulluxyadaada maxaa yeelay taasi
caadi ahaan way sii xumaysaa waxayna keeni kartaa nabarro.
 Si kastoo finankaagu ay kuu saameeyaan, waxaa muhiim ah in aad
tallaabo qaaddo si aad iyaga u maamusho islamarka ay soo baxaan.
Waxay taasi kaa caawinaysaa in aad ka fogaato nabarro weligood kaa
muuqda waxayna kaa yaraynaysaa ceebta. Haddii finanku ay kugu yar
yihiin waxaa fiican in aad marka hore tijaabiso daawooyinka
dukaannada si caadi ah looga soo iibsado. Farmashiistahaaga ayaa
kula talin doona.
 Ku talajir in aad daawayntaada isticmaasho ugu yaraan laba bilood ka
hor inta aadan natiijooyin fiican isku arag. Hubi in aad fahmayso sida
hagaagsan ee loo isticmaalo si aad uga hesho faa’iidada ugu badan.
 Daawaynta jirka la mariyo qaarkeed waxay engejin kartaa ama cuncun
u yeeli kartaa haragga marka aad bilowdo in aad isticmaasho. Haddii
wejigaagu uu casaado oo uu cuncun ku yeesho boomaato ama labeen,
daawaynta jooji xoogaa maalmo ah oo isku day in aad isticmaasho
daawaynta si ka yar sidii hore ka dibna tartiib tartiib u kordhisato.
 Boolbaruhu waxuu kuu kordhin karaa kalsoonida. Isticmaal shayo aan
saliid lahayn oo biyo laga sameeyey. Dooro shayo ay ku taallo
calaamadda ‘non-comedogenic’ (aanan keenin dhulluxyada madax
madow ama dhulluxyada madax cad) ama ‘non-acnegenic’ (aanan
keenin finan).
 Jirkaaga ku nadiifi oo boolbaraha iskaga baabi’i saabuun xoog yar ama
shay nadiifin oo kiimikeed oo daciif ah iyo biyo, ama wax saabuunta
lagu beddelo oo aan saliid lahayn. Haddii aad xoog u xoqdo waxay
taasi cuncun u yeeli kartaa haragga waxayna ka sii dari kartaa
finankaaga. Xusuusnow dhulluxyada madax madow kama yimaaddaan
mayrashada xun.
 Ma jirto caddayn si fiican u muujinaysa in finanku ay ka yimaaddaan
cuntada sida shukulaataha iyo “cuntooyinka dhakhsada badan””; hase
yeeshee, waxaa caafimaadkaaga faa’iido guud u yeelan doonta
cuntada isku dheellitiran ee leh miro iyo khudaar daray ah
Halkeen warbixin dheeraad ah ka heli karaa?
Isku xireyaasha internetka ee lagu helo buugyareyaasha faahfaahsan:

Akaadamiyadda Finanka (Acne Academy) waa hay’ad samafal ah oo Ingiriiska ku taalla taasoo ay aasaaseen xirfadleyaasha daryeelka caafimaadku si loogu caawiyo dadka finanka leh waxaana ku jira isku xireyaal lagu gaaro xaashiyo warbixin oo farabadan.
Tel: 01707 226 023

Bog: http://www.acneacademy.org
http://www.dermnetnz.org/acne/index.html
http://www.skincarephysicians.com/acnenet

Si aad u hesho faahfaahinta dukumeentiyada il laga dhigtay fadlan la xiriir Qaybta Xeerasha Daawaynta (Clinical Standards Unit) (clinicalstandards@bad.org.uk).

Waxay ujeeddada buugyarahan tahay in aad ka hesho warbixin sax ah oo ku saabsan mawduuca waxaana la isugu keenay fikradaha ay qabaan wakiillada Ururka Xirfadleyaasha haragga ee Ingiriiska: hase yeeshee, waxa ku jira ayaa laga yaabaa in uu mararka qaar ka duwan yahay talobixinta aad ka hesho takhtarkaaga.
Buugyarahan waxaa kartida akhriska u qiimeeyey Golaha Dib u eegidda Aan xirfad lahayn ee Warbixinta Bukaanleyda ee Ururka Xirfadleyaasha haragga ee Ingiriiska

URURKA XIRFADLEYAASHA HARAGGA EE INGIRIISKA
BUUGYARAHA WARBIXINTA BUKAANLEYDA LA SOO SAARAY MAY 2007

LA CUSBOONAYSIIYEY JULY 2010, AUGUST 2013
TAARIIKHDA DIB U EEGIDDA AUGUST 2016